Wasiir-dowlaha W/Maaliyadda Dowladda oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadley Cashuuraha[Sawirro]

GAROOWE – Kulan uu shir Gudoomiyey Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid uuna weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarah ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Shirkan ayaa looga wadahadley qodobadaan hoose:-

1. Dib u eegista iyo is waafajinta 28 madax ee canshuuraha ay qaadaan Dawladaha

Hoose ee Degmooyinka Puntland.

2. Dhamaystirka Xeerka Canshuuraha midaysan ee Dawladaha Hoose.

Dood dheer kadib waxaa laga heshiiyey inta badan qodobada dooda la geliyey ee canshuuraha isku dhex-jiray oo gaarayey ilaa 13 canshuurood.

Kulankan waxaaa ka qaybgalay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Agaasime ku xigeenka guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda,, Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Degmada Qardho iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Ugu dambeyntii waxaa shirka labada Wasaaradood ka soo saari doonaan warbixin dhamaystiran oo lala wadaagayo dhammaan Hay’adaha kale ee ay qusayso ee Dawladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland