Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay xarunta Dakhliga ee Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda Xarunta dhexe ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.
Kormeerkan shaqo Agaasimaha guud waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga iyo Xisabiyaha Wasaardda Maaliyada ee gobolka Nugaal.
Agaasimaha guud ayaa Kulamo uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Xafiisyada uu booqaday kala hadlay habsami u socodka shaqooyinka ay hayaan iyo wax ka ogaanshaha baahiyaha ka jira in ay soo gud biyaan si wax looga qabto.
Agaasimaha guud waxa uu booqaday Xafiisyada ay ka hawl galaan shaqaalaha dakhliga, Xafiiska Xisaabiyaha gobalka Nugaal,Xafiiska Xisaabiyaha Gobalka Sool, Qaybta Xisaabaadka, sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ilaalada canshuuraha Booliska Gobolka Nugaal.
Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda waxaana uu shaqaalaha Wasaaradda la wadaagay in la geli doono ollole kor loogu qaadi doono dakhliga loona baahan yahay dadaal dheeri ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland