Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda xarunta dhexe ee Garoowe[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirudowlaha Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe ee magaalada Garoowe.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray isla xisaabtan ku aaddan hawlaha shaqo ee Wasaaradda, kor u qaadista hufnaanta adeegyada ay bixiso, iyo sidii loo dardargelin lahaa waajibaadka shaqo ee horyaalla xilligan shaqaalaha.
Wasiirudowlaha ayaa la wadaagay shaqaalaha muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta joogtada ah, isla xisaabtanka hufan, iyo ka shaqeynta horumar waara oo lagu gaarsiiyo Wasaaradda heerar cusub. Wuxuu sidoo kale xusay in waajibka shaqaalaha uu yahay mid qaran, loona baahan yahay in si hufan, daacadnimo leh, iyo masuuliyad sare ku dheehan tahay loogu adeego bulshada Puntland.
Dhanka kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal xooggan ku bixinayso kor u qaadista dakhliga, horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee casriga ah, iyo tayeynta shaqaalaha si loo gaaro yoolalka Dowladda Puntland.
Shirkan waxaa ka qaybgalay Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland,
Agaasime Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland