Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Horumarinta Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyaan Wasiir ku-xigeenka Maamulka iyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay horumarinta Dakhliga.
Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda, Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee
Dowladda, Agaasimaha waaxda Cashuuraha Beriga, ,Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo Mas’uulyiin kale.
Inta uu socday kulanka ayaa Wasiirka waxaa warbixin guud laga siiyay 3da bilood ee sanadka 2025 dakhliga horumarka laga gaaray, caqabadaha jiray iyo sidii loo horumarin lahaa ilaha dakhliga.
Wasiirka Wasaradda Maliyadda Dowlada Puntland ayaa madaxda ku boogadiyay qaabka shaqadu ay u wadan waxana uu xusay in la sameeyo dadaalo dheeri ah oo ku aadan kobcinta dakhliga iyo joogtaynta kormeerada xarumaha guud ee Dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland