Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay Kastamka Wasaaradda ee Dekadda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Mohamed Bulhan oo howlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeeray xarunta Kastamka Wasaaradda ku leedahay Dekedda xili ay halkaasi ka socdeen shaqooyinkii cashuurista badeecadaha ay keenaan Doonayaha iyo maraakiibta.
Sidoo kale wasiirka ayaa booqday xarunta Cashuuraha bariga ee Gobolka bari.
Booqashada Wasiirka ee goobaha dakhliga ayaa salka ku haysa dardargalinta dakhliga iyo hormarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.
Intii uu kormeerka shaqo ku guda jiray Wasiir Bulxan waxa uu booqday Xafiisyada iyo Shaqaalaha ka hawlgaga kastamka iyo Cashuuraha Berriga waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta goobaha uu booqday iyaga oo Wasiirka la wadaagay xogo ku aadan heerka dakhliga, shaqooyinka socda iyo baaha ka jira goobaha uu booqday.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha uga mahad celiyey shaqada adag ee ay hayaan xili cimilada Boosaaso tahay mid kulul waxana uu kula dardaarmay in la dardar-galinliyo dakhliga sigaar ahna xooga la saaro Cashuuraha Berriga.
#Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland