Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Shir Waxqabadkoodka kusoo bandhigeen Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayna weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyay kulanka sadex biloodka ee waaxyaha Wasaradda oo maanta xogtooda ku soo bandhigeen waaxda Maamulka iyo Maaliyadda.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan,

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifataax Cali Jaamac iyo Madax qaybeedyada hoostaga waaxda Maamulka.

Agasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Cabdifataax Cali Jaamac ayaa madaxda Wasaaradda la wadaagay in xafiisyada ay xukumaan madax qaybeedyadu soo diyaariyeen xogihii looga baahanaa.

Xafiisyo gaaraya ilaa sideed ayaa madax- qaybeedyadoodu madaxda Wasaradda Maaliyadda u soo badhigeen shaqooyiinka ay soo qabtaan ee horumarka laga gaaray, shaqooyinka socda iyo dardargelin guud ee ay ka wadaan dhanka shaqad..

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa bogaadiyey soo jeedinta Madax qaybeedyada waxana uu sheegay in loo baahan yahay dadaal shaqo oo dheeri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland