Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Airpor-ka Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa koormeer shaqo ku tagey Kastamka Garoonka diyaaradaha ee caasimada.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulka iyo shaqaalaha Kastamka, waxana uu booqday qaybabah ay shaqooyinku ka socdaan.

Kulan wadajir ah oo Wasiirku la qaatay Maamulka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loo dardargalin lahaa dakhliga dowladda, waxaana Maamulka kastamku Wasiirka la wadaagay xoogta dakhliga heerka uu maraayo.

Cali Cumar Caarshe, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ee kastamaka Garoonka kula dar-daarmay dadaal dheeri ah oo lagu bixiyo kor u qaadista dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland