Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo uu indho-indheyn ku sameeyey howlaha maalinlaha ah ee soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, isla markaana kulan la yeeshay masuuliyiinta Kastamka Dekadda, Wasiirku waxa uu kastamka ku wareejiyey gaari cusub oo fududeynaya howlaha shaqo.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kormeer ku tagay Kastamka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo xarunta dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda halkaasi oo shaqadu si joogto ah uga socoto inta dhismaha cusub la dhammeystirinayo.
Wasiirku waxa uu sidoo kale booqday Kastamka Kantaroolka Magaalada Boosaaso, oo ah xarun muhiim ah oo maamusha badeecadaha dekadda ka soo dega iyo kuwa laga dhoofiyo, dekadduna ay u adeegto gobollada Soomaaliya, Itoobiya, iyo dalalka deriska ah.
Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu u mahadceliyey masuuliyiintii xarumaha uu kormeeray, isaga oo xusay in kormeerradani ay qayb ka yihiin dadaallada Wasaaradda ee kor u qaadista hawlaha, kordhinta dakhliga Dowladda, iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay shaqaalaha inay sii wadaan dadaalka iyo shaqada hufan.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland