Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Hadhi-sharafeed u sameysay mas’uuliyiin loo soo xiray Tababar dhanka Dakhliga ah[Sawirro]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Hadhimo Sharafeed saagootin ah u sameeysay mas’uuliyiintii loo soo gabagabeeyey tababarkii ku aadanaa dakhliga.
Munaasabada saagootinta waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga iyo mas’uulyiin kale.
Agaasime guud ku xeenka dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mahad celiyey sida hufan ee ay u qateen tababarkii loo qabtay, waxana uu u rajeeyey shaqo wanaag iyo dakhliga oo kor loo qaado.
Mudane Mahdi Faarax Qambi Agaasimaha Furdooyinka Puntland oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay halkasi ayaa xusay in tababarkan uu watey laba faa’ido oo ay ka mid yihiin isbarasho iyo aqoon kororsi dhanka dakhliga ah.
Ugu Dambayn tii Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo kulankan ka hadlay ayaa la dardaarmay mas’uuliyiinta Dakhliga kuna dhiiri geliyey in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo, lagana sugaayo dakhligii lagu hormarin lahaa dalka.