Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan oo ah mid la qabto Sadexdii biloodba mar ayaa looga hadlaa horumarka laga sameeyey shaqada, sixidda qaladaadka jira iyo qabashada shooqiynka la diyaariyey ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda.

Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed Wasiirku xigeenka Maamulka ayaa Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada ka dhegaystay xogo ku aadan horumarka laga sameeyey dhanka shaqada iyo qorshayaasha diyaarsan inta ka harsan sanadan 2025.

Wasiirka ayaa Agaasimayaasha Waaxyaha ku ammaanay qabashada shaqooyinka loo igmaday waxana uu sheegay in la xalin doono si dhow wax yaabaha caqabadaha ku ah shaqada, Wasiirka ayaa masuuliyiinta Shirka ka qaybgalay faray in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta shaqooyiinka Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland