Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekeda Cabdinaasir Biixi iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.
Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ayaa booqaday goobaha shaqada, waxaana uu la kulmay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Isaga oo ku dhiiri geliyey in ay kor u qaadaan dadaal kooda shaqo.
Sidoo kale Wasiirka ayaa booqday dhisme cusub oo ay Wasaaradda Maaliyadu ka hirgalisay Dekeda Garacad, dhismahan ayaa loogu talagay in ay xarumo u noqdaan Hay’adaha dowladda ee ka hawlgalaya Dekeda ayna dhisty shirkada TTN, waxana shirkada kala wareegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
Booqashada dekadda Garacad ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Waaxda furdooyinka, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqaday Maxjarka naaxinta xoolaha ee laga hirgaliyay dekeda Garacad.