Wasiir Kuxixgeenka Maaliyadda Puntland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay ardeydii ka faa’idaystay Barnaamijka CIPFA[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa shahaadoyin guddoonsiiyey ardaydii ka faa’idaysatay Barnaamijka shahaadada Caalamiga ah ee Xisaabaadka Dowladaha CIPFA.

Barnaamijkan oo sacday muddo labo sano ah ayaa waxaa ka faa’idaysatay shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyaddaaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Xafladan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga, kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kuxigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka, Guddoomiyaha Hanti dhowrka, Agaasimaha Waaxda qorshaynta iyo Tababarada, Kuxigeenka Agaasimaha Bangiga iyo Mas’uulyiin kale.

Shaqaalaha shahaadoyinka la guddoonsiiyey ayaa tiro ahaan gaarayay 25-Kana tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dowladda iyo Hanti dhowrka Guud ee Puntland.

Munaasabadu intii ay socotay waxaa ka hadlay Mas’uulyiin ka socday Hay’adaha Maaliyadda ee dowladda, khuburo ku xeel dheer Arrimaha dhaqaaalaha, waxana dhammaan la isla wada qiray muhiimada ay leedahay kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya hay’adaha Maaliyadda ee dalka.

Masharuucan ayaa ah mid uu maalgeliyey Bangiga Adduunku waana mashruuc qayb wayn ka qaatay dawlad dhiska Hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in shahaado sharaf la guddoonsiiyey Jaaamacadaha PSU,EAU iyo macalimiinta ardaydan wax bartay oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Mudane Faarax Cali shire, Wasiir hore Mudane Cali Xaaji Warsame,Khabiir Cumaan Maxamuud Cali.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland