
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Boggaadiyay Hirgelinta Maxjarka Cusub ee Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qayb galay daah-fur loo sameeyey Maxjar Cusub oo laga hirgeliyey Magaalada Boosaaso.
Maxjarkan oo loo bixiyay Shaakir International Veterinary Quarantine Company ayaa furitaankiisa waxaa ka qayb galay xubno ka tiran Golaha Wasiirada, Ganacsato, Dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale oo ka tiraan Dowladda Puntland.
Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey hirgelinta Maxjarkan Cusub waxana uu sheegay in laga helidoono shaqo abuur dalkana uu soo gelin doono dhaqaale.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaraddu ku leedahay Dekeadda Boosaaso[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/11/IMG_6500-1-150x150.jpeg)
![Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/11/IMG_6548-1-150x150.jpeg)

