Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daah-furay Kulanka Kor u qaadista Dakhliga Xeebaha[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta daah-furay kulanka looga hadlayo kor u qaadista dakhliga xeebaha, kaas oo ka furmay xarunta dhex ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka waxaa goob-jooga ahaa Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Xisaabiyaha Gobolka Ras-casayr, Ku simaha xisaabiyaha ahna xisaabiye ku xigeenka gobollada Sanaag iyo Haylaan,

Agaasimayaasha waaxyaha  Maamulayaasha dakhliga degmooyinka, Taliyaha Gobolka Raas-casyr, Maamulayaasha canshuuraha gobollada Raay-caysr, Sanaag iyo Nugaal, masuuliyiinta Wasaaradda ee ku sugan xeebaha.

Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Axmed Bulxan, oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa xusay muhiimada uu leeyahay shirka, isagoo tilmaamay in ujeeddadiisu tahay in la dardargeliyo dakhliga xeebaha Puntland, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo il muhiim u ah kor u qaadista adeegyada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax, ayaa carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda Maaliyaddu mudnaanta siineyso horumarinta dakhliga xeebaha, gaar ahaan canshuuraha iyo adeegyada dhaqaalaha ka soo gala xeebaha Puntland, kuwaas oo door weyn ku leh horumarinta dakhliga.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana la filayaa in ay ka soo bixi doonaan qodobbo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo dhiirrigelinaya horumarinta dakhliga xeebaha, isla markaana ka qayb qaata kobcinta dhaqaalaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland