Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda Save the Children[Sawirro]

AROOWE- Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed oo ay weheliyaan Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Mudane Cabdisamad Cawad ayaa kulan la qaatay mas’uulyiin ka tirsan Hay’ada Save The Children.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa ahaa is xog-waraysi iyo sidii ay wada shaqayn dhow u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’ada Save The Children.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa mas’uuliyiinta Hay’ada la wadaagay qorshayaasha Miisaaniyadda ee lagu kabo Waxbarashada, agoomaha, Caafimaadka, dadka baahiyaha gaar ka ah leh iyo sida Wasaaradda Maaliyadda uga go’an tahay in ay taageerto xuuquuqaha caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Madaxda Save The Children ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda uga mahad celiyey shaqooyinka gaarka ah ee ay u hayaan bulshada reer Puntland iyo sida ay isaga xilsaareen xaquuqaha caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland