Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo qaabilay Wafti ka socday Hay’adda UNDP[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda  Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda ayaa xafiiska ku qaabilay wafti ka socday Hay’adda UNDP.

Mas’uuliyiinta ka socday Hay’ada UNDP ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda kulan kala yeeshay diyaarinta mashruuc lagu taaraageeerayo horumarinta dawladaha hoose ee degmooyinka Puntland.

Mashruucan ayaa ka caawinaya dawladaha hoose kor u qadista adeegyada asaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha maxliga ah, hirgalinta daadijinta Maaliyadda iyo kicinta cashuuraha degmooyinka Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulanka ku muujisay sida ay uga go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadaataan hirgelinta qorshahan, maadaama uu muhiim u yahay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dowladaha hoose iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee Puntland.

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay dhammaan qodobadii looga wada-hadlay hadlay labada dhinac.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland