Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2025[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Shir guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Golaha oo la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda oo ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbiysay ayaa Goluhu si wayn usoo akhriyeen miisaaniyadda 2025 oo dhan $466,840,762.

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyadu Dowladda Puntland ee ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024 ugu dambayna ay Goluhu ku ansixiyeen cod buuxa.

Shirkan Golaha Wasiirada waxaa ay ka qayb galay Madaxda Wasaradda Maaliyadda oo Golaha la wadaagay xogo dheeraad ah oo ku aadan Miisaaniyadda 2025.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland