Shirka Agaasimayaasha ayaa lagu soo badhigay shaqooyiinka u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda sanadkan 2023 bilowgiisii,qorshayaasha harsan iyo dhamaystirkooda shaqooyiinka aan la qaban.
Qodobada halkaasi lagu soo badhigay waxaa ka mid ahaa kicinta cashuuraha, samaynta Hannaanka Maamulka, tayaynta qalabka shaqada iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa boggaadiyey xogtan shaqo ee la soo badhigay horumarkana laga sameeyey.