Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdillahi Ismaaciil Iyo Saraakiil ka tirana xafiiska Xisaabaadka ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Xisaabiyaha ayaa booqday xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, kastamka Dekada, Kastamka Garoonka Diyaaradaha,
Bangiga laanta Boosaaso iyo xarunta Xisaabaadka gobolka Bari.

Dhammaan goobaha uu booqday Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdillahi Ismaaciil waxa uu kulan la qaatay Madaxda goobaha uu booqday,waxana uu wax ka ogaday shaqooyiinkii dhanka Xisaabaadka ee socda.

Xisaabiyaha Guud ayaa uga mahadceliyey Madaxda kusoo dhowaysay goobaha uu booqday una fududeeyey wax ka ogaanshaha shaqooyiinka Xisaabaadka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland