Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo u Daah-furay Afar Wasaaradood Barnaamijka PL-FMIS[Sawirro]

GAROOWE – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdillahi Ismaaciil ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliayadda ugu daah-furay Afar Wasaaradood nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS.

Kulanka Xisaabiyaha waxaa ku weheliyey kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Agaasimayaasha maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradaha afarta ah, khuburada xafiiska xisaabaadka guud iyo gudugii gacanta ku hayay hirgalinta barnaamijka.

Barnaamika nidaamka maaraynta maaliyadda PL-FMIS waxaa loo qabay Wasaaradda kala ah-

1. Wasaaradda Deegaanka.
2. Wasaaaradda Caddaaaladda.
3. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.
4. Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Nidaamka maaraynta maaliyadda PL-FMIS ayaa salka ku haya siyaasadda Dowladda ee ah sidii loo samayn lahaa Khasnadda Midaysan ee Dawladda(Treasury Single Account).

Xisaabiyaha Guud ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha sida ay lagama maarmaan u tahay samaynta Khasnada Midaysan ee Dawladda (TSA) iyo in Wasaaraduhu ay aad uga faa’iidaystaan nidaamka Pl-FMIS oo waxbadan ka taraya qaab xisaabeedka Wasaarad walba si dhakhsa ahna u hirgaliyayaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland