IMG_1783

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulanka bilaha ah ee shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka bilaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada.

Inta u socday kulanka ayaa Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyadu Wasiirka la wadaageen shaqooyinka horumarka laga sameeyey, kuwa harsan iyo caqabadaha dhanka shaqada ee u bahan in la xaliyo.

Qorshayaasha Shaqo ee ay soo bandhigeen Agaasimayaasha waaxyaha ayaa Wasiirku su’laalo ka waydiiyey Mas’uuliyiintii shirka ka soo qayb galay iyaga oo ka jawaabay dhammaan su’aalihii Wasiirka.

Ugu dambayn Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Agaasimayaasha waxyaha kala duwan ku boogadiyay shaqooyinka ay qabteen loona baahan yahay in waax waliba ay xooga saarto qorshaha hortabinta u leh xafiis waliba si loo gaaro yoolka hiigsiga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay degmada Dhahar[Sawirro]

DHAHAR – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Dhahar ee gobolka Hayland.

Mudane Axmed Maxamed Bulxan waxa ku weheliyay kormeerkiisa shaqon Kuxigeenka Xisaabiyaha gobolka Sanaag iyo Taliyaha Turbataariyada Sanaag iyo Haylaan.

Ujeedada kormeerkan shaqo ayaa ahaa u kuurgelid ah Howlaha shaqo ee Kastamka Baraagaha qol , Kastamkaas oo dhex u ah gobolka Sanaag.

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo xubnaha ku weheliyay kormeerkiisa ayaa kulan la qaatay Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha , isagoo ku ammaanay shaqada ay bulshadda u hayaan.

Sido kale Wasiirka ayaa booqday xarunta Maaliyadda ee Gobolka Haylaan waxaan u la kulmay shaqalaha Wasaradda.

Ugu dambeyn , Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ayaa mas’uuliyiinta iyo Ilaaladda Cashuuraha kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalkooda shaqo iyo dardargelinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhageystay Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda oo safaro shaqo ku tagey goboladda dalka.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka,Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha, Madaxa Hantidhowrka Gudaha iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Axmed Cabdi Maxamed Madaxa Hanti-dhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxdii shirka la wadaagay natiijada baaritaanka ay ka sameeyeen xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Mudug,Karkaar iyo Bari.

Xogtan ayaa ah mid wax badan looga oggaanayo hannanka shaqo ee dakhliga Dowladda habka loo qabtay iyo sida ay ugu dheceen Khasnada Dowladda Puntland.

Ugu dambayn Madaxda Wasaaradda ayaa boggaadiyey Shaqooyinkan muhiim ka ah ee ay soo qabteen Xafiiska Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (19)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa halkaas Wasiirka ku soo dhoweyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Ismaaciil C/nuur Geesey iyo Saraakiil kale oo tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka kormeerka Wasiirka ayaa ahaa u kuur galka hannanka shaqada W/Maaliyadda gobolka iyo sidii loo sii dardar galin lahaa shaqada.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Xisaabiyaha W/Maaliyadda iyo mas’uuliyinta Dakhliga kuna aadan heerka dakhli soo xeraynta iyo Xogta shaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada kale duwan ee xarunta Wasaaradda waax walaba iyo shaqada ay qabato warbixin kasiiyey Xisaabiyaha Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur.

Kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda oo uu shir guddoominayey Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Puntland Jenaraal Muumin Cabdi Shire.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u hayaan loona baahan yahay dadaal dheeri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiska Mashaariicda Waddooyinka Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Dayactirka iyo horumarinta Wadada isku xirta Gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa la saxiixatay Shirkada dhismaha ee Albaashid iyo Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo -Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo.

Mashaariicda dhismaha Waddooyinka Puntland oo ah cashuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo lasaxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah :-

1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:
– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr.
– Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco
2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.
– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso
3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

Read More