Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulanka bilaha ah ee shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka bilaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada.

Inta u socday kulanka ayaa Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyadu Wasiirka la wadaageen shaqooyinka horumarka laga sameeyey, kuwa harsan iyo caqabadaha dhanka shaqada ee u bahan in la xaliyo.

Qorshayaasha Shaqo ee ay soo bandhigeen Agaasimayaasha waaxyaha ayaa Wasiirku su’laalo ka waydiiyey Mas’uuliyiintii shirka ka soo qayb galay iyaga oo ka jawaabay dhammaan su’aalihii Wasiirka.

Ugu dambayn Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Agaasimayaasha waxyaha kala duwan ku boogadiyay shaqooyinka ay qabteen loona baahan yahay in waax waliba ay xooga saarto qorshaha hortabinta u leh xafiis waliba si loo gaaro yoolka hiigsiga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland