Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa halkaas Wasiirka ku soo dhoweyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Ismaaciil C/nuur Geesey iyo Saraakiil kale oo tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka kormeerka Wasiirka ayaa ahaa u kuur galka hannanka shaqada W/Maaliyadda gobolka iyo sidii loo sii dardar galin lahaa shaqada.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Xisaabiyaha W/Maaliyadda iyo mas’uuliyinta Dakhliga kuna aadan heerka dakhli soo xeraynta iyo Xogta shaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada kale duwan ee xarunta Wasaaradda waax walaba iyo shaqada ay qabato warbixin kasiiyey Xisaabiyaha Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur.

Kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda oo uu shir guddoominayey Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Puntland Jenaraal Muumin Cabdi Shire.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u hayaan loona baahan yahay dadaal dheeri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland