News Somali News September 11, 2024 / Osman Turabi / 0 Comments Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhageystay Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro] GAROOWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda oo safaro shaqo ku tagey goboladda dalka.Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka,Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha, Madaxa Hantidhowrka Gudaha iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.Axmed Cabdi Maxamed Madaxa Hanti-dhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxdii shirka la wadaagay natiijada baaritaanka ay ka sameeyeen xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Mudug,Karkaar iyo Bari.Xogtan ayaa ah mid wax badan looga oggaanayo hannanka shaqo ee dakhliga Dowladda habka loo qabtay iyo sida ay ugu dheceen Khasnada Dowladda Puntland.Ugu dambayn Madaxda Wasaaradda ayaa boggaadiyey Shaqooyinkan muhiim ka ah ee ay soo qabteen Xafiiska Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda.BaahintiiXafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland