IMG_2636

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Sool oo hor tagay Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxa hor yimid Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Gobolka Sool.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud Wasaaradda Maaliyadda ayaa Shir guddoomiyey kulanka.

Guddiga ayaa Xisaabiyaha gobalka Sool, Maamulaha Cashuuraha Berriga, Maamulaha kastamyada iyo Khasnajiga Gobolka su’laalo ka waydiiyey Xogtii horay Hanti-dhowrka guduhu la soo wadaagay Guddiga Goobta Shaqada.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Sool iyo Mas’uulyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’laalihii shaqada Wasaaradda lagu saxaayey iyo horumarada kale ee ay sameeyeen.

Ugu dambayntii intii uu socday shirka ayaa lagu saxay dhammaan khaladaadkii farsamo ee horay loo soo gud biyey waxaana Madaxda iyo shaqaalaha Gobolka Sool lagu aamaanay dadaalka ay ugu jiraan dardargalinta dakhliga iyo ushaqaynta bulshada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2600

Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la xisaabtamay mas’uuliyiinta Maaliyadda ee gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobalka Nugaal ayaa maanta hor yimid Guddiga goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda si wax looga weydiiyo khaladaadka dakhliga ee Hanti-dhowrka guduhu kasoo saaray gobalka Nugaal.

Shirka waxaa guddoomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Axmed Jaamac Jowle.

Xisaabiyaha Gobalka Nugaal, Xisaabiye Ku-xigeenka, Maamulaha cashuuraha Berriga, Maamulaha Kastamka iyo khasnajiga ayaa ka jawaabay khaladaadka Hanti-dhowrka gudaha, waxaana la is waydaarsaday sida ugu haboon ee aysan usoo noqon khaladaadka farsamo ee lasoo saaray.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maaliyada ayaa mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada ee gobalka Nugaal faray in ay ay muujiyaan dadaal dhanka shaqad ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2574

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2025[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Shir guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Golaha oo la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda oo ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbiysay ayaa Goluhu si wayn usoo akhriyeen miisaaniyadda 2025 oo dhan $466,840,762.

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyadu Dowladda Puntland ee ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024 ugu dambayna ay Goluhu ku ansixiyeen cod buuxa.

Shirkan Golaha Wasiirada waxaa ay ka qayb galay Madaxda Wasaradda Maaliyadda oo Golaha la wadaagay xogo dheeraad ah oo ku aadan Miisaaniyadda 2025.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2553

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka Guud[Sawirro]

GAROOWE – Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ahna Kusimaha Xisaabiyaha ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Xafiiska xisaabaadka guud.

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana looga hadlay Dardargalinta nidaamka xisaabaadka dowladda Puntland, adkaynta iyo horumarinta nidaamka xisaabaadka ee hay’adaha dowlada.

Ugu dambayn,  Cali Jaamac Gaashaan ayaa shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka guud kula dardaarmay in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqada ay u hayaan Bulshada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2523

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada.

Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirudowlaha Wasaaradda,Wasiirku xigeenka Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa intii uu socday Agasimayaasha waaxyuhu soo badhigeen shaqooyinka laqabtay ee horumarka laga sameeyey, kuwa harsan ee aan laqaban  iyo qorshayaasha dagsan ee dhanka shaqada Wasaaradda.

Wasiirka ayaa boggaadiyey dhammaan shaqooyinka horumarka laga sameeyey ee Wasaaradda kuna ad keeyey Agaasimayaasha waaxyaha in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan qabashada shaqooyinka hortebinta leh ee Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More