Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Sool oo hor tagay Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxa hor yimid Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Gobolka Sool.
Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud Wasaaradda Maaliyadda ayaa Shir guddoomiyey kulanka.
Guddiga ayaa Xisaabiyaha gobalka Sool, Maamulaha Cashuuraha Berriga, Maamulaha kastamyada iyo Khasnajiga Gobolka su’laalo ka waydiiyey Xogtii horay Hanti-dhowrka guduhu la soo wadaagay Guddiga Goobta Shaqada.
Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Sool iyo Mas’uulyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’laalihii shaqada Wasaaradda lagu saxaayey iyo horumarada kale ee ay sameeyeen.
Ugu dambayntii intii uu socday shirka ayaa lagu saxay dhammaan khaladaadkii farsamo ee horay loo soo gud biyey waxaana Madaxda iyo shaqaalaha Gobolka Sool lagu aamaanay dadaalka ay ugu jiraan dardargalinta dakhliga iyo ushaqaynta bulshada Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland