Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la xisaabtamay mas’uuliyiinta Maaliyadda ee gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobalka Nugaal ayaa maanta hor yimid Guddiga goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda si wax looga weydiiyo khaladaadka dakhliga ee Hanti-dhowrka guduhu kasoo saaray gobalka Nugaal.

Shirka waxaa guddoomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Axmed Jaamac Jowle.

Xisaabiyaha Gobalka Nugaal, Xisaabiye Ku-xigeenka, Maamulaha cashuuraha Berriga, Maamulaha Kastamka iyo khasnajiga ayaa ka jawaabay khaladaadka Hanti-dhowrka gudaha, waxaana la is waydaarsaday sida ugu haboon ee aysan usoo noqon khaladaadka farsamo ee lasoo saaray.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maaliyada ayaa mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada ee gobalka Nugaal faray in ay ay muujiyaan dadaal dhanka shaqad ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland