IMG_3049

Agaasime Guud Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr[Sawirro]

GAROOWE –  Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa  tababar u furay Madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr.

Qabsoomida tababarkan waxaa ka soo shaqeeyey Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga, waxaana ka soo qayb galay Xisaabiyaha Gobolka Raasa-Casayr, Ku-xigeenkiisa, Khasnajiga guud iyo madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda laguna qabtay xarunta dhexe ee Dakhliga.

Tababarka ayaa ah mid lagu baranayay qaabka loo xeryeeyo Dakhliga maalin laha, loogana xerayn lahaa ilaa 10 xarumood oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Raas-casayr.

Tababarkan waxaa bixinaayey Maxamed Maxamuud Axmed Sugule  oo ka tirsan Madaxda Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ayaa madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr faray in loo baahan yahay aqoonta aad bareeteen in Dakhliga lagu horumariyo lana sii tababaro shaqaalaha kale ee ku sugan xarumaha  Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2997

Guddiga Shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Warbixinta ka dhageystay madaxda Hanti-dhowrka Gudaha[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Hantidhawrka gudaha oo safar shaqo ku tagay gobalka Raas-casayr.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Ahmed Jama Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka, waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud,Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madaxa qaybeedyada Wasaaradda.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu yeeray mas’uulyiinta heer gobol ee Xisaabiyaha , ku xigeenka Xisaabiyaha iyo maamulaha dakhliga ee gobolka Raasa-Casayr .

Madaxa xafiiska Hantidowrka Mudane Axmed  Cabdi Maxamed ayaa Guddiga Goobta shaqada usoo bandhigay shaqooyinka gobolka ka socda ee xeraynta Dakhliga Iyo shaqooyinka u baahan in la saxo.

Ugu dambayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa madaxda Xafiiska hanti dhowrka ku boggaadiyay shaqooyinka ay gacanta ku hayaan .sidoo kale waxaa u sheegay in loo bahan yahay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan dhanka shaqada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2972

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ayaa ka qab galay kulan looga hadlay dar-dargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqada Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada, waxaana ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda.

Kulan ayaa ku aadanaa sanadkan 2024 oo gabagabo ah horumarka laga sameeyey shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqooyinka hortebinta leh ee la qaban doono 2025 haddii alle idmo.

Ugu dambayn shirka ayaa lagu kala qaatay warbixino kala duwan oo la xiriira dar-dargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2954

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka uga mahad celiyay Ansixinta Miisaaniyadda 2025

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinayaan ansixinta Miisaniyadda Dowladda 2025 oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar).

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 2025 korortay 18% marka la barbardhigo Miisaaniyaddii sannadka 2024.

Miisaaniyadda 2025 ayaa horay Madaxda Wasaaraddu ula wadeegeen bulshada Puntland in ay door ku yeeshaan Golaha Xukuumadduna markii la hor geeyey isku raaceen, ugu dambayna maanta Golaha Baarlamaankuna ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2931

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Baarlamaanka Dowladda Puntland oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulankan, oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa looga hadlay miisaaniyadda sanadka 2025, oo dhawaan loo soo gudbiyey Golaha Wakiillada.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda ayaa Guddiga si faahfaahsan uga xog waramay qorshayaasha miisaaniyadda cusub, oo xooga lagu saarayo in la dardargeliyo horumarinta dhaqaalaha, hagaajinta maamul-wanaagga, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxay sidoo kale iftiimiyeen istiraatiijiyadaha loogu talagalay xoojinta nidaamka maaliyadeed ee Puntland si loo gaaro kobac dhaqaale oo waara.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay kulammo taxane ah oo Guddiga Maaliyadda uu hore ula yeeshay hay’adaha kala duwan ee Dowladda si ay uga dhageystaan aragtida iyo mudnaanta ku saleysan miisaaniyadda sanadka 2025. Guddigu waxa uu kulammo gaar ah la qaatay masuuliyiin ka socday dugsiga agoonta iyo dugsiga carruurta qaba autism-ka, iyagoo ka dhageystay baahiyaha gaarka ah ee la xiriira adeegyada ay bixiyaan iyo miisaaniyad u qoondeynta adeegyadaas.

Sidoo kale, Guddiga ayaa qorsheynaya inuu kulan gaar ah la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, si loo helo talooyin dheeri ah oo ku saabsan sidii miisaaniyadda 2025 loogu wajihi lahaa si hufan oo waafaqsan baahiyaha bulshada. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo in miisaaniyadda Dawladda ay noqoto mid ka tarjumeysa rabitaanka shacabka iyo horumarinta Puntland guud ahaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More