Agaasime Guud Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr[Sawirro]

GAROOWE –  Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa  tababar u furay Madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr.

Qabsoomida tababarkan waxaa ka soo shaqeeyey Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga, waxaana ka soo qayb galay Xisaabiyaha Gobolka Raasa-Casayr, Ku-xigeenkiisa, Khasnajiga guud iyo madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda laguna qabtay xarunta dhexe ee Dakhliga.

Tababarka ayaa ah mid lagu baranayay qaabka loo xeryeeyo Dakhliga maalin laha, loogana xerayn lahaa ilaa 10 xarumood oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Raas-casayr.

Tababarkan waxaa bixinaayey Maxamed Maxamuud Axmed Sugule  oo ka tirsan Madaxda Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ayaa madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr faray in loo baahan yahay aqoonta aad bareeteen in Dakhliga lagu horumariyo lana sii tababaro shaqaalaha kale ee ku sugan xarumaha  Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland