Guddiga Shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Warbixinta ka dhageystay madaxda Hanti-dhowrka Gudaha[Sawirro]
GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Hantidhawrka gudaha oo safar shaqo ku tagay gobalka Raas-casayr.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Ahmed Jama Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka, waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud,Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madaxa qaybeedyada Wasaaradda.
Kulanka ayaa sidoo kale loogu yeeray mas’uulyiinta heer gobol ee Xisaabiyaha , ku xigeenka Xisaabiyaha iyo maamulaha dakhliga ee gobolka Raasa-Casayr .
Madaxa xafiiska Hantidowrka Mudane Axmed Cabdi Maxamed ayaa Guddiga Goobta shaqada usoo bandhigay shaqooyinka gobolka ka socda ee xeraynta Dakhliga Iyo shaqooyinka u baahan in la saxo.
Ugu dambayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa madaxda Xafiiska hanti dhowrka ku boggaadiyay shaqooyinka ay gacanta ku hayaan .sidoo kale waxaa u sheegay in loo bahan yahay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan dhanka shaqada.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland