Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Baarlamaanka Dowladda Puntland oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulankan, oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa looga hadlay miisaaniyadda sanadka 2025, oo dhawaan loo soo gudbiyey Golaha Wakiillada.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda ayaa Guddiga si faahfaahsan uga xog waramay qorshayaasha miisaaniyadda cusub, oo xooga lagu saarayo in la dardargeliyo horumarinta dhaqaalaha, hagaajinta maamul-wanaagga, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxay sidoo kale iftiimiyeen istiraatiijiyadaha loogu talagalay xoojinta nidaamka maaliyadeed ee Puntland si loo gaaro kobac dhaqaale oo waara.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay kulammo taxane ah oo Guddiga Maaliyadda uu hore ula yeeshay hay’adaha kala duwan ee Dowladda si ay uga dhageystaan aragtida iyo mudnaanta ku saleysan miisaaniyadda sanadka 2025. Guddigu waxa uu kulammo gaar ah la qaatay masuuliyiin ka socday dugsiga agoonta iyo dugsiga carruurta qaba autism-ka, iyagoo ka dhageystay baahiyaha gaarka ah ee la xiriira adeegyada ay bixiyaan iyo miisaaniyad u qoondeynta adeegyadaas.

Sidoo kale, Guddiga ayaa qorsheynaya inuu kulan gaar ah la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, si loo helo talooyin dheeri ah oo ku saabsan sidii miisaaniyadda 2025 loogu wajihi lahaa si hufan oo waafaqsan baahiyaha bulshada. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo in miisaaniyadda Dawladda ay noqoto mid ka tarjumeysa rabitaanka shacabka iyo horumarinta Puntland guud ahaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland