Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey horumarinta dakhliga.
Kulankan waxaa ka soo qayb galay Agaasime Ku-xigeenka guud dakhkiga, Agasimayasha waaxyaha dakhliga, Xisabiyayaasha gobolada Sool iyo Nugaal, saraakiisha iyo madax qaybeedyada dakhkiga, Hoggaanka turbotariyada iyo taliyaha qaybta turbotariyada gobolka Nugaal.
Intii uu socday kulankan ayaa looga hadlay Qorshaha Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda sanada 2025 ee bilaha Jan , February iyo March wixii ka qabsoomay iyo hadii ay jiraan kutalagalkaas dakhli ee u qorshaysnaa Wasaradda kuwo la gaari waayay, sidii loo xaqiijin lahaa in la gaaro qorshaha la dajiyay 2025 iyo ku talaabsashada ilo dakhli oo cusub.
Kulankan ayaa ugu dambayn ku soo gabagaboobay is afgarad iyo in la sameeyo dadaalo wax ku ool ah oo ku aadan dhanka wax soo saarka dakhliga , si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed iyo difaaca dhulkeena oo u baahan in dhammaan bulshada Puntland isku meel looga soo wada jeesto.
“Muwaadin bixi canshuurta si loo gaaro Himilooyinka horumarineed ee u dagsan Dowladda iyo Shacabka Puntland”
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland




























GAROOWE – Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorshaynta ayaa yeeshay Kulan ay kaga 



















BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada








































BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle uuna weheliyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada iyo xarunta cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.
















































BOOSAASO – Madaxda Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga oo kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Baahintii 
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekeda.





























