Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda iyo Dekadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle uuna weheliyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada iyo xarunta cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agasimaha ayaa booqaday Xafiisyada Wasaaradda ee ay ku sugan yihiin madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda xili ay ku guda jireen shaqo maalmeedkoodii.

Madaxda goobaha shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ee ay ka mid yihiin Maamulaha Cashuuraha beriga Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Maamulaha Kastamka dekedda Maxamed Yuusuf maxamuud ayaa Agasimaha Guud la wadaagay  qorshayaasha hirgay ee horay loogu soo badhigay kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda iyo heerka dakhliga maalin laha ah ee ay xereeyaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo la hadlay madaxda iyo shaqaalaha ayaa sheegay in laga sugaayo dakhligii dalka lagu Difaaci lahaa laguna hormarin lahaa loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland