Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Puntland oo ka Wadashaqeynaha dhanka Dakhliga[Sawirro]

BOOSAASO – Madaxda Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga oo kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulanka waxaa ka qayb-gallay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga, Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda,Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Kaluumaysiga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Iintii uu socday kulankan ayaa looga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada Wasaaradood iyo sidii loo diyaarin lahaa Qorshayaasha horumarinta Dalkhliga Kaluumaysiga sanadan 2025 ee Xeebaha Puntland.

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay dhammaan wax yaabihii looga wada hadlay ee dardargalinta dakhliga Kaluumaysiga waxaana loo balamay in ay hawshan dhamaystirkeeda siiwadi doonaan gudi ka tirsan labada Wasaaradood.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland