Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Goobaha dakhliga Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada  bosaso ayaa kormeer shaqo ku tegey goobaha dakhli soo saarka ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha ayaa kulan la qaatay Mas’uulyiinta goobaha uu booqday oo ay ka mid yihiin kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka diyaaradaha, Bangiga Dowladda laanta Boosaaso iyo Xarunta Ciidamada ilaalada canshuurah.

Maamulaha kastamka Garoonka iyo Taliyaha laanta ilaalada cashuuraha ayaa Agasimaha Guud uga warbixiyey hannanka shaqo ee socda iyo sida ay usoo xereeyaan Dakhliga, ayna ku hawlan yihiin dadaal dheeri ah iyo ushaqaynta bulshada cashuur bixiyaha ah.

Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa boqday Bangiga Dowladda Puntland laanta Boosaaso

oo loo dhisay haab casri ah waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta Bangiga waxana ay ka wada hadleen hawlaha shaqo ee ka dhexeya bankiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xaafiska Wacyi-galinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland