Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekeda.
Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyey
Aggaasimah guud ee Bangiga Dowladda Puntland, maamulaha Customka Dekedda Boosaaso, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Maxamed Yuusuf maxamuud Maamulaha Customka Dekedda Boosaaso ee Wasaarada Maaliyada ayaa Wasiirka la wadaagay xogta shaqooyiinka socda, Heerka dakhliga dalk iyo Badeecaddaha ka soo dega kana dhoofa Dekeda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ugu dambayna booqday Xafiisyada iyo goobaha kale ee shaqada ayaa bogaadiyey habsami u socodka shaqada iyo habka loogu shaqaynaayo bulshada Cashuur bixiyaasha.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland