IMG_3744

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa waxa halkaasi ku soo dhoweeyey Xisaabayaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka mudug Ismaciil C/nuur Geesey , Maamulayasha, Madax qeybeedayada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka mid tahay dhisme cusub oo casri ah oo lagu kordhinaayo Xaafisyadda Wasaaradda Maaliyadda ee Gaalkacyo ,

Wasiirka ayaa warbixinno ka dhagaystay Xisaabiyaha iyo Injineeradda shaqada dhismaha kawada xarunta, waxana uu kormeeray qeybta Cashuuraha kastamadda Wasaaradda ee Gobolka Mudug halkaas oo Wasaaraddu ka wado dhismayaal cusub.

Ugu dambayn Maxamed Faarax Maxamuud  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda ee dib u casriyanta xarumaha shaqada iyo soo saarista dakhliga.

Baahintii

Xaafiska Warfaafinta iyo Waciyigalinta ee Wasaaradda Maaliyadda dawlada Puntland.

Read More
IMG_3619

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Istaraajiyadaha Qorshaha Dakhli-kicinta 2025[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa guddoomiyey shirka Istaraatijiyadaha Qorshaha Dakhli-Kicinta 2025 iyo casriyaynta goobaha shaqada.

Ujeeddada iyo Ajandaha shirkan ee Fulinta Qorshaha ayaa waxaa ka mid ahaa

1- Maadaama Wasaaradda Maaliyaddu ku guuleystay in habkeeda cashuur qaadista furdooyinka laga dhigay online lana sameeyey system ka PUNTCAS, ayaa laysla qaatay in 2025 la hirgelin doono system kii lagu qaadi lahaa canshuuraha berriga si bulshadda loogu fududeeyo adeeg bixinta.

2- Xalinta Caqabadaha iyo ka miro dhalinta fursadaha lagu horumarinkaro dakhliga sanadkan ee qorshaha ku xusan iyada oo lagu  dhaqmaayo siyaasadda iyo xeerarka dakhli kicinta ee Wasaaradda.

3-ka  jawaabida baahiyaha xarumaha dakhliga hadii ay yihiin gaadiid, qalab iyo saxida caqabadaha shaqada

4- waxaa la qorsheeyay in si joogta ah kormeer loo kormeero gobolada dalka si dabagal loogu sameeyo dakhliga iyo la socodkiisa.

Ugu dambayn kulankan ayaa la isla qaatay ajandaha Shirka ku xusnaa iyo samaaynta jadwal lagu fulinaayo qorshaha sanadka 2025.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyay Qorshaha dardargalinta dakhliga iyo jadwalka lagu gaarayo qorshahan waxana uu umahad celiyay Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda oo had iyo goor garab taagan fulinta shaqooyinkan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3601

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta dakhliga.

kulankan oo lagu qabtay Xarunta dhexe waxaa ka soo qaybgalay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka, Agsimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Maamulaha kastamka dekedda boosaaso iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii looga wada shaqayn lahaa Horumarinta kastamada Puntland oo ay ka mid yihiin kastamkada dekeddaha Boosaaso, Garacad iyo Dardargalinta cashuuraha berriga.

Agaasimayaasha waaxyaha ee kulankan ka qayb galay ayaa Wasiirka la wadaagay qorshayaal ku aadan horumarinta kastamada Puntland waxayna soo jeediyeen xogo badan oo lagu hormarin karo Dakhiga dalka.

Ugu dambayn Wasiir Bulxan ayaa bogaadiyey qorshayaasha lagu hormarinayo Kastamada iyo cashuuraha beriga si loo helo Dakhligii dalka lagu hormarin lahaa laguna difaaci lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3592

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Gaadiid ay soo gaday Wasaaradu ku wareejiyay Xarumihii loogu talagay[Sawirro]

GAROOWE –  Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan uuna weheliyo Aggasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa gaadiid ay soo gaday Wasaaraddu ku wareejiyay xarumahii loogu talagay ee Wasaaradda.

Munaasabadda wareejinta gaadiidkan oo ah afar gaari ayaa ka dhacday Xarunta dhexe ee Wasaaradda waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agasimaha Waaxda Furdooyinka, Agaasimaha waaxda Cashuuraha berriga, Madaxa Gadiidka  iyo Mas’uulyiinta loogu tala galay in ay gaadiidkan la wareegaan.

Gaadiidkan lacagta lagu soo iibiyey ayaa ah Ganaaxyadii ku dhacay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gudan waayay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday lagana jaray lacagtii ay qaadan lahaayeen laguna hormariyey xarumaha Wasaaradda Maaliyadda.

Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka ayaa lasiiyey Gaari Bas ah oo loogu tala galay qaadista shaqaalaha, Xarunta dhexe ee Dakhliga oo ku taal Garowe ayaa lasiiyey Gaari Bas ah oo qaadi doona shaqaalaha xarunta dhex, Cashuuraha Beriga Boosaaso ayaa lasiiyey Gaari Probox ah halka Gaari probox ah la siiyey kastamka gobolka nugaal ee Garowe.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa la dardaarmay Mas’uulyiinta xarumaha la siiyey Gaadiidkan in lagula xisaabtami doono ilaalinta hantida dad waynaha ayna ilaaliyaan bad qabkooda.

Ugu dambayn Wasiir ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxa ayaa sheegay in dowladda Puntland gacana ku wado horumarinta dalka gacanata kalena ay ku jirto difaaca, kuna wareejiyay Gaadiidkan Mas’uulyiinta xarumahii loogu tala galay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3582

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakbliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga 2025[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abdiqadir Axmed  Xaashi ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay dar dargalinya Dakhliga Sanada 2025.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Waaxyaha dakhliga iyo Agaasime Ku xigeenada waaxyaha Dakhliga, madax qeybyada Dakhliga iyo maamulaha kastamka Dekada bosaso waxaana looga hadlay intii u socday shirkan qorshaha dakhli kicinta ee sanadka 2025 iyo xiriirka gobalada qaabka wada shaqeynta xarumaha dakhliga

Shirkan Waxaa la isla meel dhigay in kor loo qaado waxaa soo sarka Dakhliga gudaha iyo sidii loo labo labi lahaa soo xareynta lacagaha.

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Abdiqaadir xaashi ayaa madaxda faray in la rabo in shaqada la xoojiyo loona bahan yahay sidii wada shaqeyn dhow ay u wada yeelan lahayan xarumaha dakhliga.

Ugu dambayntii Agaasimaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka dardargalinta dakhliga ee horumarka laga sameeyey kuna booriyey shaqaalaha in bulshada canshuur bixiyeyaasha ah la soo dhoweeyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3414

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Waaxyaha Dakhliga Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta waaxyaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Shirarkan waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha dakhliga iyo Madax qaybeedyada.

Kulankan ayaa looga hadlay shaqooyinkii Dakhliga ee Wasaaradda uqabsomay sanadii 2024- iyo Qoshayaasha 2025 Iyadoo laga duulaayo dardargalinta Dalkhliga iyo horumarinta goobaha adeega Dakhli bixinta laguna gaar siin doono hanaan casri si bulshadda loogu fududeeyo bixinta cashuuraha ku waajibay.

Ugu dambayn Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Bulxan ayaa bogaadiyey qorshayaasha horumarinta leh ee halkaasi lagu soo badhigay waxana uu kula dardaarmay Agaasimayaasha waaxyaha in si wadajir ah looga shaqeeyo dardargalinta dakhliga

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More