Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta dakhliga.

kulankan oo lagu qabtay Xarunta dhexe waxaa ka soo qaybgalay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka, Agsimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Maamulaha kastamka dekedda boosaaso iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii looga wada shaqayn lahaa Horumarinta kastamada Puntland oo ay ka mid yihiin kastamkada dekeddaha Boosaaso, Garacad iyo Dardargalinta cashuuraha berriga.

Agaasimayaasha waaxyaha ee kulankan ka qayb galay ayaa Wasiirka la wadaagay qorshayaal ku aadan horumarinta kastamada Puntland waxayna soo jeediyeen xogo badan oo lagu hormarin karo Dakhiga dalka.

Ugu dambayn Wasiir Bulxan ayaa bogaadiyey qorshayaasha lagu hormarinayo Kastamada iyo cashuuraha beriga si loo helo Dakhligii dalka lagu hormarin lahaa laguna difaaci lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland