Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee magaalada Gaalkacyo[Sawirro]
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Wasiirka ayaa waxa halkaasi ku soo dhoweeyey Xisaabayaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka mudug Ismaciil C/nuur Geesey , Maamulayasha, Madax qeybeedayada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka mid tahay dhisme cusub oo casri ah oo lagu kordhinaayo Xaafisyadda Wasaaradda Maaliyadda ee Gaalkacyo ,
Wasiirka ayaa warbixinno ka dhagaystay Xisaabiyaha iyo Injineeradda shaqada dhismaha kawada xarunta, waxana uu kormeeray qeybta Cashuuraha kastamadda Wasaaradda ee Gobolka Mudug halkaas oo Wasaaraddu ka wado dhismayaal cusub.
Ugu dambayn Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda ee dib u casriyanta xarumaha shaqada iyo soo saarista dakhliga.
Baahintii
Xaafiska Warfaafinta iyo Waciyigalinta ee Wasaaradda Maaliyadda dawlada Puntland.