Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Gaadiid ay soo gaday Wasaaradu ku wareejiyay Xarumihii loogu talagay[Sawirro]
GAROOWE –Â Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan uuna weheliyo Aggasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa gaadiid ay soo gaday Wasaaraddu ku wareejiyay xarumahii loogu talagay ee Wasaaradda.
Munaasabadda wareejinta gaadiidkan oo ah afar gaari ayaa ka dhacday Xarunta dhexe ee Wasaaradda waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agasimaha Waaxda Furdooyinka, Agaasimaha waaxda Cashuuraha berriga, Madaxa Gadiidka iyo Mas’uulyiinta loogu tala galay in ay gaadiidkan la wareegaan.
Gaadiidkan lacagta lagu soo iibiyey ayaa ah Ganaaxyadii ku dhacay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gudan waayay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday lagana jaray lacagtii ay qaadan lahaayeen laguna hormariyey xarumaha Wasaaradda Maaliyadda.
Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka ayaa lasiiyey Gaari Bas ah oo loogu tala galay qaadista shaqaalaha, Xarunta dhexe ee Dakhliga oo ku taal Garowe ayaa lasiiyey Gaari Bas ah oo qaadi doona shaqaalaha xarunta dhex, Cashuuraha Beriga Boosaaso ayaa lasiiyey Gaari Probox ah halka Gaari probox ah la siiyey kastamka gobolka nugaal ee Garowe.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa la dardaarmay Mas’uulyiinta xarumaha la siiyey Gaadiidkan in lagula xisaabtami doono ilaalinta hantida dad waynaha ayna ilaaliyaan bad qabkooda.
Ugu dambayn Wasiir ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxa ayaa sheegay in dowladda Puntland gacana ku wado horumarinta dalka gacanata kalena ay ku jirto difaaca, kuna wareejiyay Gaadiidkan Mas’uulyiinta xarumahii loogu tala galay.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland