Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekedda.
Agaasimaha ayaa booqaday goobaha ay ka socdaan shaqada dejinta badeecadaha ay wadaan Doonayaha, maraakiibta iyo shaqada dakhliga ee ay gacanta ku hayso Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo horumarinta nidaamyada casriga ah ee canshuuraha dowladda Puntland.
Intii uu Agaasimaha guud ku sugnaa Dekedda Bosaso, waxaan si gaar ah diiradda u saaray hannaanka maamulka dakhliga, habraacyada farsamo ee ay isticmaalaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, iyo sida nidaamyada cusub ee canshuur ururinta loogu adeegsado kor u qaadista wax-soo-saarka iyo dakhliga dowladda.
Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan shaqaalaha dekedda oo shaqadoodu tahay mid socota labada gelinba, taasoo muujinaysa dadaalka iyo waxtarka dekeddu u leedahay kobcinta dhaqaalaha Puntland.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah istaraatijiyadda guud ee dowladda Puntland ee lagu horumarinayo ilaha dakhliga, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah iyo xoojinta kartida shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda kormeerkan waxaa ku weheliyey Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Agaasime ku xigeenka Furdooyinka, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland