Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulan Wasaaradu la yeelatay Maamulka Shirkadaha Biyaha[Sawirro]

GAROOWE  – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa shir guddoomiyay kulan ay Wasaaradda la yeelatay Maamulka shirkadaha biyaha gobolka oo ay ka mid yihiin Bowaco iyo Gumco.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Canshuuraha Bariga, Maamulaha Canshuuraha Bariga, Maareeyaha Wakiillada Biyaha, Madaxda Shirkadda Biyaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo hirgelin lahaa canshuurta biyaha (GST) oo lagu dari doono qaansheegyada shirkadaha biyaha.

Madaxda Wasaaradda ayaa shirkadaha Gumco iyo Bowaco kala hadlay sidii loo xoojin lahaa qaadista iyo soo xareynta canshuurta (GST) Maamulada shirkadaha ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay qorshaha canshuurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Jaamac Jowle, ayaa faray madaxda shirkadaha in loo baahan yahay wada-shaqayn buuxda, si canshuurta biyaha GST si hufan loo hirgeliyo loona soo xereeyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland