Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku sameeyay Xafiisyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Garoowe[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Kormeerka ayaa ahaa wax ka ogaanshaha habsami u socodka shaqada iyo qalabayn kala duwan oo lagu sameeyey xafiisyada xarunta dhex ee Wasaradda Maaliyadda iyo xarumaha kale.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa madaxda la wadaagay in lagu guuleystay Qalabaynta Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda Xarunta dhexe, Xarunta Dakhliga iyo intooda badan Gobolada inta dhamana la qalabayn doono.
Madaxda Xafiisyada ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka ay wadaan iyo dadaalkooda shaqo, waxayna Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiir Maxamed Faarax uga mahadceliyeen qalabaynta iyo horumarinta agabka kale ee xafiisyada Wasaaradda lagu sameeyey.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey Qalabaynta iyo isbadalka horumarineed ee lagu sameeyey Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu Madaxda iyo shaqaalaha u sheegay in laga sugaayo dakhligii lagu difaaci laha dalka laguna hormarin lahaa.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland