Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashadda gobolka Nugaal [Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, uuna waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Juba ayaa shir muhiim ah la yeeshay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada gobolka Nugaal.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Liibaan Cismaan, Maamulaha Canshuuraha Bariga Gobolka Nugaal, Maamulayaasha Dugsiyada
iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si wadajir ah loo dardargeliyo ururinta canshuuraha Peeroolka macalimiinta, xoojinta wada shaqeeynta maaliyadda iyo Xarumaha Waxbarashada iyo sidii ay dowladdu uga qayb qaadan lahayd horumarinta tayada iyo adeegyada xarumaha Waxbarashada ee gobolka.
Maamulayaasha Dugsiyada ayaa fursad u helay inay soo bandhigaan caqabadaha iyo baahiyaha iskooladooda, si loo helo xal waara oo horumarineed kuna aadan dhanka Waxbarashada.
Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay dhammaan qodobadii looga wada-hadlay.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland