Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daahfuray Tababarka Habka Maareynta Xogta Maaliyadda -PFMIS-[Sawirro]

GAROOWE-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku Daahfuray Tababar ku aadan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda (PFMIS), Tababarkan oo ay kasoo qayb galeen Agaasimayaasha maamulka iyo xisaabiyeyaasha wasaradaha iyo hayadaha madaxa banaan.

Daah-furka tababarka Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan, Agaasimaha waaxda miisaaniyadda Cabdisamad Surato, Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo Tababarada iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Tababarkan ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu barto:

1. Balaarinta Miisaaniyadda 2024.
2. Side loo soo xereeyo Xereynta Dhaqaalaha Deeqaha Dibada (Revenue Capturing),
3. Sidii Dakhli loogu aqoonsan lahaa Lacagaha tooska UN-ku u maamulo (Direct Payment)
4. Maamulida Lacagaha la isa sii dabaro (Re-imbersement)
Iyo Lacagaha horumariska ah (Advance Payments).

Nidaamka Xisaabaadka Dowladda Puntland wuxuu xoojinayaa isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daahfurnaanta, waana mid ay Dowladda Puntland guulo wax ku oola ka gaartey.

Wasiirka ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha sida ay lagama maarmaan u tahay kor u qaadida dakhliga, kulana dardarmay In Hay’adaha dowladdu u istaagaan sidi dakhliga kor loogu qaadinlahaa si loo bixiyo Mushaharaadka Ciidamada, Shaqaalaha, hawl socd siinta Dowladda iyo dhismaha horumarinta dalka.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Bulshada Puntland la wadaagay in Cashuurta ay bixiyaan ay gacan aamina ku jirto sikhaldana loo isticmaalidoonin balse bulshada looga baahan yahay in ay dowladda garab istaagaan oo ay cashuurta bixiyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland