
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Xisaabiyaasha gobolada ee Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta kulan la qaatay Xisaabiyayaasha Gobalada ee Wasaaradda Maaliyada oo magaalada Garowe u yimi shirkii Maamul baahinta iyo dardargalinta dakhliga.
Kulankan oo ahaa xog iswaraysi Ku aadan shaqooyinka hortabinta u leh Wasaarada Maaliyada ee Goboladda ayuu Agaasimuhu warbixino ka dhagaystay Xisaabiyayaasha halka shaqadu u marayso,
Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xisaabiyayaasha
kula dardaarmay inay xooga saaraan hagaajinta Iyo dardargelinta shaqooyinka kala duwan gaar’ahaan kor u qaadista dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan dhex maray Dowladda iyo Dadweynaha Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/06/IMG_5063-1-1-150x150.jpeg)
![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Shirka Xisaabiyayaasha gobolada ee Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/07/IMG_5127-1-1-150x150.jpeg)

