Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Shir Fogaan arag ah la qaatay Madaxda Furdooyinka Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir foogaan arag ah la yeeshay maamulka guud ee furdooyinka Dowladda Puntland.
Shirkan waxaa Wasiir Ku-xigeenka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo dhammaan madaxda kastamyada Puntland.
Ujeedada kulanka ayaa looga wada-hadlay Barmuudada iyo kontarabaamka iyo qodobo kale , Waxaana lalayeeshay Maamulayaasha Furdooyinka ee Gobolada Puntland si loo helo nidaam daahfuran ah.
Intii uu socday kulanka, waxaa laga dooday arrimo muhiim ah oo la xiriira dardargelinta hannaanka dakhliga, hirgelinta nidaamyo casri ah oo xisaabeed, iyo sidii looga hortagi lahaa bar-muudada.
Ugu dambeyntii, dhinacyada ka qeyb galay shirka waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta, lana hirgeliyo qorshe mideysan oo kor loogu qaadayo dakhliga dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland