Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Shirka Xisaabiyayaasha gobolada ee Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa gudoomiyey shirka xisaabiyeyaasha gobalada ee Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankan waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Hantidhawrka guud ee Dawlada Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud, Agaasime Ku-xigeenka Dakhliga, agaasimaayasha waaxyaha Miisaaniyada, Cashuuraha beriga iyo Xisaabiyayaasha Gobalada.
Kulankan intii uu socday ayaa xooga lagu saaray sidii ay xisaabiyeyaasha gobaladu ay xooga u saari lahaayeen hagaajinta niidamyada kharash bixinta Iyo dakhli xaraynta ee gobalada.
Gudoomiyaha Hantidhawrka guud Mudane Cismaan Maxamuud Cali oo xisaabiyeyaasha gobalada la wadaagay wax yaabihii ay Ku arkeen xisaab-xirkii sanadkii hore ee uu baahan in la saxo ayaa xisaabiyeyaasha gobalada kula dardaarmay in ay xooga saaraan hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee Dalka.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda Axmed Jaamac Jowle Iyo Xisaabiyaha guud Cali Jaamac Gaashaan ayaa balan qaaday inay xoojin doonaan isla xisaabtanka Iyo dabagalka shaqada iyagoo dhankooda Ku booriyey inay xisaabiyeyaasha gobladu dardargeliyaan shaqada.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo Soo xiray kulanka ayaa xisaabiyeyaasha gobalada kula daardaarmay inay xooga saaraan hagaajinta xisaabaadka Dawladda Iyo kor u qaadista dakhliga ayna si buuxda u dhaqan geliyaan talooyinka xafiiska Hantidhawrka guud.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland