Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo la Kulmay madaxda Waaxda Furdooyinka Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Aggaasime Guud Ku-Xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan dhanka shaqada ah la yeeshay mas’uuliyiinta Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda.
Kulan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha waaxda furdooyinka Mahdi Faarax Qambi, ku-xigeenka Agaasimaha waaxda Cali Siciid, Madax qaaybeedyada waaxda iyo qaybo ka mid ah shaqaalaha waaxda.
Shirkan ayaa looga hadlay la dagaalanka bar-muudada, taas oo ka mid ahayd qorshayaashii sanadka 2025 ee bishan May loogu talagalay. Iyo in xoogga la saaro sidii loo xoojin lahaa kormeerka xuduudaha, loona horumarin lahaa awoodda sirdoonka furdooyinka, korna loogu qaadi lahaa fahamka iyo tababarka shaqaalaha si loo sugo daahfurnaanta nidaamka kastamyada.
Shirka ayaa laga gaaray guulo ku aadan horumarinta shaqada ayna ka mid yihiin, ansixinta qorshaha dardargelinta hawlgallada kooxda guur-guurta (mobile team), xoojinta kastamada Xarfo iyo Daarusalaam, iyo ballanqaad ku aadan in shaqaalaha ku lug yeesha bar-muudada si toos ah loogu dabaqi doono sharciga.
Agaasime Guud ku xigeenka ee Dakhliga ayaa faray madaxda Furdooyinka fulinta go’aamada shirka lana samayn doono warbixino toddobaadle ah oo lagula socdo hawlgallada bar-muudada, hirgelinta tababarada shaqaalaha iyo kormeer joogto ah oo lala kaashanayo hay’adaha amniga.
Ugu dambayn Agaasimaha ayaa bogaadiyey dadaalka Waaxda Furdooyinka, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan shaqaalaha in ay sii laba jibaaraan juhdigooda si loo xaqiijiyo dhaqaale hufan oo waara.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland