IMG_8179

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xariga ka jaray Dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland W/Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland W/Maaliyadda.

Xarunta cusub ee Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ah dhisme ka kooban saddex dabaq, waxaana markii ugu horreysay tan iyo aasaaskii Dowladda Puntland sanadkii 1998 ay Xisaabaadka Guud yeelanayaan xarun u gaar ah oo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda oo lagu sameeyey dib-u-dhis ballaaran, laguna kordhiyey dhismayaal dheeraad ah.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Dhammaan dhismayaashan cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu hirgeliyey isku-tashi iyo cashuurta shacabka Puntland taas oo muujinaysa sida Dowladda Puntland uga go’an tahay horumarinta hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada maaliyadeed ee dalka.

Waxaa xusid mudan in Dhismayaashan Wasaaradda Maaliyadda ay filsay Shirkadda Dhismaha ee GONDAGOIYE

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8157

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo hor tegay 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 ee Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland[Sawirro]

GAROWE –  Madaxda Wasaardda 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 ayaa maanta hor tegtay 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 ee Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hannaankii loo maareeyey dakhliga iyo kharashka ku xusan Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2025 iyo hannaanka loo maareeyey dhaqaalaha dowladda ee horyaalla Golaha.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Guddiga siiyey xog-warbixineed dhammaystiran, iyagoona ka jawaabay dhammaan Su’aalihii la weydiiyay ee ku aadanaa Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2025

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8147

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka hor geeyay 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓[Sawirro]

GAROOWE – Madxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland hor geeyey 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓.

Kullanka Golaha waxaa Shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada , Hon

Cabdirisaaq Axmed Saciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon

Maxamed Baari  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Maxamed Maxamuud Ciise.

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa Golaha xog dheeri ah ka siiyey Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025 Wasaaradduna soo diyaariyey.

Dhigaysiga xogta Wasiirka ka dib 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 ayaa lagu wareejiyey 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚, kuwaas oo ku samayn doona akhrinta labaad. Waxaa la filayaa inay Golaha dib ugu soo celiyaan 28-ka Luulyo 2026, si dood iyo go’aan rasmi ah loogu gaaro sida xogta Golaha lagu sheegay.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8059

Agaasime Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda iyo Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha[[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abdiqaadir Axmed

Xaashi ayaa maanta Tababar u furay shaqaalaha Xafiiska Dakhliga iyo Ciidanka ilaalada Canshuuraha iyo qaybo ka mid shaqaalaha ka hawlgala Dakhliga.

Furitaanka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Cashuuraha Beriga iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka tababarka ayaa ah in shaqaalaha Dakhliga iyo Ciidanka ilaalada Canshuuraha la baro Baarista Cashuuraha (Tax Audit) hababka dabagalka cashuuraha iyo nidaamyada saxda ah ee loo maro baarista cashuuraha, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha.

Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ayaa sheegay in tababarkani uu muhiimad weyn u leeyahay horumarinta awoodda shaqaalaha iyo Ciidamada iLaalada cashuuraha isagoo ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan muddada uu tababarku socdo.

Waxaa xusid mudan in Casharrada tababarkan loo qabtay Ciidamada illaalada cashuuraha iyo shaqaalaha ka hawlgala Dakhliga uu bixinayo Madaxa Hoggaanka Cashuuraha Maxamed Ilka-case.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8099

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey Kastamka Dekedda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Maxamuud Arbac uuna weheliyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Eng. Maxamed Cali Maraykan ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Kastamka wasaaradda Maaliyadda ee Dekedda Boosaaso.

Wasiirka waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka Mudane Maxamed Yuusuf waxana uu booqaday Xafiisyada Wasaaradda ee ay ka socdaan shaqooyinka kala duwan.

Maamulaha ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin ku aadan heerka dakhli iyo shaqooyinka cashuurista beedeecadaha ka soo dekedda dekadda oo ah mid shaqaysa habeen iyo maalin, madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradduna heeganka ku jiraan sidii bulshada loogu shaqeeyn lahaa.

Ugu dambeyntii Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Muudane Maxamed Maxamuud Arbac ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda waxaana uu mas’uuliyiinta Wasaaradda kula dardaarmay hufnaan iyo dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8082

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey Kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga dalka.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal,agaasimayaasha Waaxyaha Dakhliga iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dakhkiga.

Intii uu socday kulankan ayaa diiradda lagu saaray arimaha dakhli kicinta ee Mudnaanta leh ayna ka mid yihiin, Dardargalinta Howlaha Dakhli ee Goboladda dalka ka socda, kor u qaadida wada shaqaynta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dakhliga kala shaqeeya wasaaradda Maaliyadda, la dagaalaanka cashuur diidka ka hor taga badeecadaha cashuurta la dhuunta, kordhinta wacyigalinta Cashuuraha iyo fududaynta Adeegyadda Dakhliga.

Shirkan oo kusoo gabgabooday si guul ah ayaa  lagu balamay fulinta dhammaan qodobadii wax ku ool ka ahaa ee looga hadlay.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8009

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo Daahfuray Barnaamijyo dib u habeyn loogu sameeyay Cashuur bixinta[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu Daah-furay barnaamijyo cusub iyo kuwa dib u habayn lagu sameeyey kuwaas Labada wasaarood ee Maaliyadda iyo hawlaha Guud wada fulinyaan.

Adeegyada laso kordhiyey waxay kala ahaayeen.

1- Adeeg fududaynta cashuuraha Gaadiidka oo laga dhigay 24/7 in laga heli karo goobaha labadda wasaaradood.

2- cashuur bixinta oo la fududeeyey taas oo lasoo kordhiyey lambar gaaban oo cashuur bixiyuhu lacagta ku bixin karo goob kasta uu joogo isaga oo qaraacayaa  *444# ee shirkadda Somtel.

3- in cashuur bixiyuhu u bixin karo cashuurta wada marista 3 biloodle, lixbiloodle iyo Sannadle.

4- aqoonsiga lahaanshaha gaadiidka oo hada laga dhigay kaar (card) halka horay u ahaa warqad.

5-  shatiga gaari wadida (Driver Licences) oo lagu so kordhiyey shati cusub oo bajajta leedahay sidoo kale waqtiga Shatiga guud laga dhigay 5 sano halka uu horay ka ahaa 3 sanno.

6- cashuurta furdooyinka ee gaadiidka bidix la aha loo sameeyey cashuur dhimis dhan 30% .

7- Dib u habayn lagu sameeyey qaabka wada shaqaynta Macradda iyo wasaaraddaha iyadoo adeegooda la fududeeyey.

8- in la dardargalin doono adeegyadda ilaalinta nabadgalyadda wadooyinka oo ay ka dhalanayaan ganaaxyo cidii ku xad gudubta anshaxa nabadgalyadda wadooyinka.

Adeeggan oo ah  nidaam casri ah oo la jaan qaadaya dunida kaas oo fududaynyaa u adeega  bulshada.

Daah-furkan barnaamijkan waxaa ka qaybgalay Wasiirku Xigeennada iyo Agaasimayaasha labada wasaaradood ee Maaliyadda Hawlaha guud, Taliska Ciidamada iLaalada cashuuraha iyo ilaaladda wadooyinka, agaasime ku xigeenka PHA, xeer ilaaliye ku xigeenka, agaasime guud ku xigeenka dakhliga, madaxda bangiyadda, shiradaha isgaarsiinta, shirkadda PIITECH iyo Mas’uulyiin kale.

Intii ay Munaasabaddan ay socotay ayaa halkaasi laga soo jeediyey khudbado ay mas’uuliyiintii ka qaybgalay ku amaaneen in barnaamijkan uu yahay mid muhiim ah.

Ugu dambeyntii Labada Wasiir ku xigeen ee Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo hawlaha Guud ayaa kaarkii ugu horreeyay gudoon siiyey mawaadin adeegadan loo qabtay.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_7978

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Xariga ka jaray Laanta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta Laanta Ciidanka Ilaalada Canshuuraha ee Gobolka Nugaal oo dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Taliyaha Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Gobolka Nugaal, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo saraakiil ka tirsan ciidanka.

Dib-u-habaynta xaruntan ayaa qayb ka ah qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee lagu horumarinayo xarumaha lahu adeego shacabka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo ciidamada dadaalka ay ku bixiyaan ilaalinta nidaamka canshuuraha iyo sugidda dakhliga dowladda. Wuxuu faray in la laba jibbaaro shaqada.

Baahintii

Xafiiskii Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More